
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ku xiran xabsi ay maamushu NISA loo wareejinayo Xabsi guri, sida ay sheegayaan ilo wareedyo.
Wararka ayaa sheegaya in muddooyinkan ay socdeen dadaalo la xiriira sidii Xabsiga lagu haayo loogu wareejin lahaa Xabsi guri, si la mid ah Xasan Daahir Aweys Hoggaamiyihii hore ee Xisbul Islaam oo muddo shan sano ah xabsi guri ku ah Muqdisho.
Hase ahaatee Kaaliyeyaashiisa ayaa ka cabsi qaba in haddii xabsi guri loo wareejiyo inuu noqdo mid u nugul weerar uga yimaada Al-Shabaab, taas bedelkeed ay dalbanayaan in la sii daayo oo xoriyaddiisa dib loogu celiyo.
Odayaal, siyaasiyiin iyo Mas’uuliyiin ka soo jeeda Koofur Galbeed ayaa horay waday dadaalo la xiriira sidii loo sii deyn lahaa, balse dadaaladaas ayaa noqday kuwo mira dhali waayay, marka loo eego culeyska ka baxsan dowladda Federaalka oo ka yimid sii deyntiisa.
Mr Roobow ayaa muddo todobo bilood u xiran dowladda Federaalka, illaa iyo hada laguma soo oogin wax dambi ah, iyadoo uu si rasmi ah Al-Shabaab uga soo goostay bishii Agosto ee sanadkii 2017, xilligaasoo dowladda Federaalka ay si weyn u maamuustay, una soo dhoweysay.