Dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysa in ay wali wado dowlada Kenya sahminta saliida gaar ahaan halka lagu muran sanyahay ee badweynta Hindia oo dacwad arimahaasi ku saabsan laga furay dhawaan Maxkamada Caalamiga ah ICJ oo soo dhamaatay maalinimadii shalay aheyd.
La taliyaha dowlada soomaaliya ee u qaabilsan Arrimaha muranka badda Mona Al-sharmani ayaa maxkamada ka sheegtay maalinimadii jimcada aheyd in Wasaarada Tamarta iyo Arrimaha Saliida ee Kenya in ay iskooda u soo saareen is jiid jiid ku aadan qaabka ay u socoto maxkamada iyo baaritaano ay ka sameeyeen xuduuda Soomaaliya ay la wadaagto Kenya oo ah meel qani ku ah saliida oo wali halkaasi ay dhac iyo boob kawadaan.
“Waa war ka socda Soomaaliya waxaan marnaba suura gal aheyn muranka badda ee soomaaliya in laga dhigo kiis aan wax ka jirin” Mona al Sharma ayaa sidaasi sheegtay mar ay maxkamada shir gudoominayay xeer ilaaliyaha France Judge Ronny Abraham.
Dowladaha Kenya iyo Soomaliya ayaa ku muransan bad cabbirkeedu yahay, 42,000 km2, waxaa la sheegay iney tahay meel uu ka buuxo Kheyraad fara badan, iyadoo intii uu murankan soo jiitamayayna ay Dowladda Kenya geysay shirkado baara saliidda.