Home Afsomali Muraxii ugu horeeyey ee iscasila o noqday Cabdullaahi Cali Xasan

Muraxii ugu horeeyey ee iscasila o noqday Cabdullaahi Cali Xasan

Waxaa Goordhaweyd  ku dhawaaqay inuu tartanka xilka
madaxweynenimo ee Soomaaliya ka tanaasulay Murashax Eng. Cabdullaahi Cali Xasan
oo ka mid ahaa 24 ee buuxiyay shuruudaha murashaxnimada madaxweyne, wuxuuna
iscasilaadiisa uu ku caddeeyay qoraal uu soo saaray oo u qornaa sidan:.
UJEEDO: KA TANAASULID MUSHARAXNIMADA JAGADA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA
BISMILLAHI RAXMAANI RAXIIM

Anigaoo ah Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxaan Go’aan ku gaaray in aan ka
tanaasulo u tartanka jagada Madaxweynimo ee Soomaaliya maanta oo taariikhdu
tahay 04.02.2017, tanaaulkeyga musharaxnimada Madaxweynaha wiuxuu ku
saleysanyahay sababaha hoos ku qoran:

Markii aan qiimeeyay xaalada qalafsan ee dalku ku suganyahay iyo baahida loo
qabo in la helo hoggaan karti leh oo dalka u horseeda dowladwanaag, amni iyo
kala dambeyn, cadaalad, iyo horumar bulsho iyo mid dhaqaale.

Markii aan arkay in musharixiin gaaraya 24 ay isku soo sharaxeen in ay u
tartamaan xilka madaxweyne ee dalka taas oo markhaati u ah jahawareerka
siyaasadeed ee dalkeena ka jira oo aysan ka tarjumayn baahida dalkeena iyo
dadkeena oo ku jira xaalada qalafsan ee siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho.

Anigoo garowsan in is sharaxaadaydu aysan ku qotomin mar uun madaxweyne ha
lagu yiraahdo oo ay daacad iga tahay Ilaah hortiisa in aan dalkeyga iyo dadkeyga
ugu adeego si daacadnimo ah xil ama jago walba oo aan qabto,diyaarna u ah in
amaanada ay umadaydo ii dhiibato aan u guto si daacadnimo ah oo Alle kacabsi
leh.

Anigaoo la tashaday waxgarad badan oo Soomaaliyeed oo ka kooban qaybaha bulshada
sida siyaasiinta, aqoonyahanada, dhallinyarada, haweenka, duubabka , odayaasha
dhaqanka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa waxaan go’aansaday in
aan tartanka madaxweynimo ka tanaasulo waqtigaan.

Waxaan mahad balaaran oo aan la soo koobi karin leh Ilaah subxaanuhu watacaalaa.
Waxaan kale oo aan mahadcelin halkaan uga soo jeedinayaa taageerayaasheyda meel
kasta oo ay joogaan dalka iyo dibada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed guud
ahaan.

Sidoo kale musharixii ku guuleysta jagada madaxweynaha waxaan u soo jeedinaa in
uu dalka daacad ugu shaqeeyo oo uu taarikhda baal dahab ah ka galo, jiilka soo
socdana u reebo dhaxal wanaagsan.

WABILLAHI TOWFIIQ
Eng. Cabdullaahi Cali Xasan.

https://youtu.be/paZuFMTwuLc

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.