Home Afsomali Aqrso Warsaxaafadeedka Musharax Madaxweyne Cadow Cali Gees ayaa Beeniyey warar lagu faafiyey...

Aqrso Warsaxaafadeedka Musharax Madaxweyne Cadow Cali Gees ayaa Beeniyey warar lagu faafiyey baraha internetka oo sheegayey

Cabdulaahi  Cali Axmed oo loo yaqaan Cadow Cali Gees oo ka mid ah Raga ugu cadcad musharaxiinta u tartameysa xlka madxweyne nimo ayaa si weyn u  beeniyey war baraha internetka lagu faafiyey oo sheegayey in uu ka tanaasuli doono tartanka doorashada xili ay bilaabaneyso taaso uu ku tilmay war aan sal iyo raad toona laheyun.

Hadal ka soo baxay Xafiiska Ololaha Doorashadda ee Murashax Madaxweyne Caddow Cali Gees ayaa lagu beeniyey wararka sheegaya inuu Murashaxaasi heshiis la gaaray Murshax Xasan Sheekh Maxamuud iyo inuu ka tanaasuli doono Tartanka Doorashadda Madaxtinimadda Somalia.

Afhayeenka Xafiiska u ololeynaya Murashax  Madaxweyne Caddow Cali Gees oo la hadlay saxaafada ayaa gaashaanka ku dhuftay arrintaasi, oo ay qaar ka mid ah Saxaafadda qoreen inay  ilo ku sugan Villa Somalia ka soo xigteen inuu Murashax Caddow Cali Gees u tanaasuli doono Murashax Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ay isku hayb yihiin.

“Marnaba lagama yaabo inuu Murashax Caddow Cali Gees u tanaasulo Murashax Xasan Sheekh Maxamuud, waxna kama jiraan inay ka wada hadaleen qoddobkaasi” ayuu yiri Afhayeenkaasi, oo intaasi sii raaciyey in Shaqsiyaadka u ololeynaya Murashax Xasan Sheekh faafiyeen Borobogaandadaasi.

Warsaxaafadeed xafiskiisa ka soo baxay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.