Home Afsomali Musharax sheegay in uusan xildhibaanada wax laaluush ah siineynin balse bixiyey 30$...

Musharax sheegay in uusan xildhibaanada wax laaluush ah siineynin balse bixiyey 30$ kun oo uu ku doonayo in mar uu ku noqdo madaxweyne qaran

Maalmihii ugu dambeeyay Ol’olaha Musharax Madaxweyne Dr. Cali Xaaji Warsame, ayaa  kulamo iy shirar uu la qaatay Xildhibaanada Soomaaliyeed.

Cali Xaaji ayaa balan qaaday haddii loo doorto Madaxweynaha Soomaaliya inuusan shaqada ku qabsan doonin Wasiirka kowaad ee Xukuumadiisa, uuna ku shaqayn doono Sharciga iyo Nidaamka dalka u yaal.

Musharax Cali ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay Isbada dhab ah, wuxuuna sheegay inuu aad ugu kalsoon yahay in Xildhibaanada cusub ay keenayaan Isbadalka ay ka rajaynayaan Ummadda Soomaaliyeed.

Dr. Cali oo la kulmay guddiga diiwaan gelint ayaa  si rasmi ah isu diiwana geliyay, waxaana uu soo dhoweyn balaran kala kulmay bulshada iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya oo u muujiyay in Cali uu yahay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya Afarta sano ee soo socota.

Musharax Cali ayaa Musharixiinta kale kaga badalan inuusan wax Laaluush ah ku bixinayn Doorashadda oo uu doonayo in lagu doorto Aqoontiisa, taas oo uu sheegay inay hirgalyso 8-da Janaayo hadduu EEBE idmo.

Musharaxa ayaa ku bixiyey in uu madaxweyne noqdo 30$ oo doolar xili in badan oo shacabka soomaaliyeed ka mid ah baahi oo haraad ay ugu dhimanayaan dalka gudihiisa

Waxaana jira musharaxiin kale oo la mid ah balse diyaar u ah in ay lacago ku bixinaayo in ay madaxweyne noqdaan ama uu saaxiibkood noqdo.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.