Home Afsomali MUSHARAX U TAAGAN KURSIGA XILDHIBAANKA BEESHA MOOBLEEN CISMAAN.

MUSHARAX U TAAGAN KURSIGA XILDHIBAANKA BEESHA MOOBLEEN CISMAAN.

Cabdiraxmaan iidow Abuukar   (67)
Xaflad aad u balaaran oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan labba   boqol {200} oo xubnood oo isugu jirey siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, saraakiil ciidan, culumaa’udin, waxgarad, qurba joogta, haweenka iyo dhallinyarada beesha Moobleen Cusmaan looguna tala galay soo bandhigida musharaxa  u taagan kursiga Xildhibaanka beeshaasi  ayaa lagu qabtay Hotel Safari ee Magaalada Muqdishu.
Munaasabadii xafladaasi oo aheyd qado sharaf si qurux badan loo soo agaasimay ayaa  halkaasi waxaa ka Hadley oo warbixino kala duwan ka soo jeediyay nabdoonada kala ah nabadoon C/qaadir Ibraahim Cusmaan, nabadoon Muxumed Maxamed Cali {Odoyow}, nabadoon C/laahi Maxamed Cabdi {Taab- taabte}, nabadoon Ibraahim Maxamuud Jiinoow, nabadoon Janaale Bariise, Coll. Maxamed Cabdi Axmed {Eeboow} , Maariya Maxamed Cali Masiiba iyo qaar kale oo badan.
Masuuliyiintaasi  waxay si  qoto dheer  uga sheekeeyeen taariiqda iyo halgankii ay soo gashey beesha Moobleen, iyagoo sheegay in beeshaasi ay ka mid tahay beelaha Soomaaliyeed ee lagu yaqaano daacadnimda, wadaninimada, dulqaadka, xilkasnimada, shaqo jaceylka, wax soo saarka iyo ilaalinta midnimada Dalka,  iyagoo halkaasi ka cadeeyay inay taageersan yihiin musharaxa Cabdiraxmaan Xaaji Iidoow oo isu soo sharaxey  hanashada  kursiga Xildhibaanka beeshaasi.
Madax dhaqameedkaasi oo hadalkooda sii wata ayaa ku nuux-nuuxsadey in Duubka beeshooda looga baahan yahay inuu horseed ka noqdo sidii uu musharaxaasi ugu soo bixi lahaa xilka uu u sharaxan yahay, waxayna carabka ku dhufteen  inay musharaxaasi la garab taagan yihiin sidii uu ugu guuleysan lahaa xildhibaanka  beeshooda , iyagoo dhanka kale kula dar-daarmay  musharax Cabdi raxmaan inuu ka mira dhaliyo hadafkiisa ku aadan sidii uu u gaari  lahaa xildhibaan rasmi ah.
Xubno isugu jirey siyaasiyiin, sareeyayaal ciidan, culumaa’udin, qurba joog, haween iyo dhallinyaro oo iyaguna madashaasi ka hadlay ayaa ku cel-celiyay inay taageersan yihiin musharaxooda  la so bandhigay, waxayna balan qaadeen inay ka go’an  tahay taageeerida iyo la shaqeynta mutacalimkaasi.
 Musharaxa Xildhibaanka beesha Moobleen Cabdi raxmaan Xaaji Iidoow oo gaba-gabadii munaasabadaasi ka soo jeediyay khudbad aad u qiima badan ayaa  sheegay sababaha ku dhaliyay  inuu xilkaasi isu soo taago inay tahay  sidii uu wax uga qaban lahaa dhibaatada iyo xaalada xun ee soo food saartey  deegaanada ay beesha Moobleen ka degan tahay G/ Sh/Dhexe iyo hanaankii uu ku soo dhicin lahaa xuquuq walba oo beeshu leedahay, wuxuuna carabka ku dhuftay inuu yahay aqoonyahan  wax badan ka qaban kara dib u dhaca ka muuqda deeganada beeshaasi, isagoo ku dhaartey  inuu si daacad ah ugu adeegi doono Dadkiisa iyo Dalkiisa.
“Anigu xil raadis  iyo dhaqaale  doon midna ma ahi, ujeedadeydu waaa sidii aan dadkeyga ula qeybsan lahaa isla markaana aan wax uga qaban lahaa dhibaato kasta oo ay ku jiraan”ayuu si saraaxad leh u yiri halyey  Cabdi raxmaan Xaaji Iidoow oo intaasi raaciyay in  haddii loo  doorto kursigaasi inuu  u hawl gali doono sidii ay beeshiisu u heli laheyd Xuquuq walba oo ay leedahaya .
Mar uu musharaxaasi ka hadlayay rajadiisa Xildhibaanimo  ayaa  hoosta ka xariiqey inuu haysato kalsoonida duubka, nabadoonada, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada ku abtirsata beeshaasi, wuxuuna u mahad naqey dhamaan shacbiga Moobleen ee ku dhiira galiyay inuu isu soo sharaxo kursigaasi, isagoo dhan kalana ka codsadey odayaasha beshaasi inay gacan ku siiyaan sidii uu noqon lahaa Xildhibaanka Moobleen Cusmaan ee sannadka 2016-2020-ka haddii uu Alle idmo.
Musharax Cabdiraxmaan Xaaji Iidoow waa aqoonyahan Soomaaliyeed oo wax ku soo kala bartey Wadamada Soomaaliya, Imaaraadka Carabta, Pakstaan iyo Mareykanka, wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtey Magaalada Portland ee cariga Maraykanka,  dhanka bulshada wuxuu wax badan ka sameeyey dhinacyada waxbarshada, caafimadka, dhaqaalaha, isportiga  IWM, isagoo had iyo goor ka shaqeyn jirey horumarinta dadka soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ama gudaha ku sugan, haatan aqoonyahankaasi waa musharax u taagan kursiga Xildhibaanka beeshiisa waxayna dad badan aaminsan yihiin inuu u qalmo oo uu ka soo dhalaali karo xilkaasi ummaddeed haddii uu ku najaxo.

5 COMMENTS

Leave a Reply to Ayan Abdirashid Mohamed Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.