Home Afsomali Musharaxa xilka Madaxweyne Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo Puntland...

Musharaxa xilka Madaxweyne Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo Puntland iyo Galmudug ka dalbaday in ay Joojiyaan dirirta iyo dhiga sokeeye ee daadanaya

More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos

Cali America

Musharaxa xilka Madaxweyne ee somaliya oo dalbaday in la joojiyo dagaalada iyo dhiiga sokeeyey ee Gaalkacyo isagu uu diyaar ….

Masharaxa u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee dalka Mr Maxamed Cali Nuur  (Ameeriko)   ayaa waxuu ugu baaqay Maamulada Puntland iyo Galmudug in ay joojiyaan Dagaallada ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Mr. Cali Ameeriko ayaa waxuu tilmaamay in loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo xasilinta xiisadaha ka aloosan Xarunta Gobolka Mudug.

amerika

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa Musharaxa waxuu intaasi ku daray in isaga qudhiisa uu u taagan yahay ka qeyb qaadasha sidii xal waara looga gaari la haa xiisada u dhaxeysa maamulada Galmudug iyo Puntland.

“Waxaan dadaal badan ku bixin doonaan sidii wadahadal loogu dhameyn la haa colaado u dhaxeya Maamulada Galmudug iyo Puntland, kuwaasi oo isku haya Magaalada Gaalkacyo”, sidaasi ayuu yiri Cali Ameeriko.

amerika5

Musharax Madaxweyne Maxamed Cali Ameeriko ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxuu safaro kala duwan ku kala bixinayay Dalalka Mareykanka iyo Canada halkaasi uu kula soo kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.