Inta badan soomaaliya waxaa xiligaan ka jirta Olole xoogan oo ay wadaan Musharaxiinta dalka kuwaas oo doonaya in ay Ku xoojinayaan Qaabka ay ku heli lahaayeen Kuriga Madaxtinimada dalka.
Musharaxiinta ayaa dhaqaale ku bixiya la kulanka Bulshada qaybaheeda kala gedisan kuwaas oo Taageera ka raadinaya shacabka iyo dadka Siyaasiinta ah oo qaar kood xilal soo qabtay.
Arimaha la Xariira Ololaha waxuu ku soo beegmay Xili wadanka ay ka jiraan Abaara Xoogan oo saameeyay Nolosha bad ban iyo duunyo, Saameeynta ugu wayn ayaa ah in dadka qaar kood ay is dal daleen ka dib markii abaarta ay ku waayeen Xoolahooda.
Musharaxiinta oo inta badan lagu Tiriyo kuwa dhaqaalaha Xoogan iyo Taageera heli kara ayaana dadkaas Tilaaba Muuqata uqaadin, waxa ayna ku mashquulaan Dad ay ka helayaan fangareen ama Garab istaag.
Mid kasta oo hada Loolan adag wada waxuu Garab ka haystaa Dowlad, Ururk, Ganacsato iyo shaqsiyaad shaqsi kale ku jebinaya Waxaana meesha ka maqan dadaalka looga baahnaa Musharaxa oo ah in dadkiisa oo garab istaago.
Dhaqaalaha ugu badan ayaa ku baxay Howlaha Doorashooyinka waxaana jirin Dad is xil qaamay oo Gurmadkii loo baahnaa Sameeyay waa marka laga hadlo Musharaxiinta.
Abaaraha dalka ka jira ayaa waxaa jira dadka qaar oo dhaqaalo aan Badneen ku bixiyay, hasa yeeshee dhaqaalahaas ayaa noqday kuwa aan gaarin Meeshii loogu Talagay.
Waxaana jirta in wadada loo fadhiistay oo shaqsiyaad ay gacanta ugu dhacayso.
Gurmadka abaaraha ayaa xiligaan ah dheh iyo il oo ah kuwa aan is arkeen oo dad ay udhaxeeyaan, dadka dhaqaalaha bixinaya iyo kuwa loogu talagalay dhaqaalaha.