Home Afsomali Musharixiinta isu diiwaangelisay Guddoonka BFS oo la dhaqeysanayo hadal jeedintooda 

Musharixiinta isu diiwaangelisay Guddoonka BFS oo la dhaqeysanayo hadal jeedintooda 

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarada Aqalka Sare ayaa maanta dhageysanaya hadal jeedinta musharixiinta isu diiwaangelisay qabashada Guddoonka labadaas Gole ee Baarlamaanka 11aad JFS.

Guddiyada Qaabilsan Doorashooyinka Guddoonka labada Gole oo kaashanaya Guddoonkooda KMG ah ayaa diyaariyay jadwal lagu hagayo hadal jeedinta musharixiinta sida daqiiqada & sida ay u kala horreeyaan Musharixiinta.

8 musharax ayaa isu diiwaangelisay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya, waxa ay kala yihiin: 1-Cabdirashiid Maxamed Xidig, 2-Cabdullaahi Aadan Axmed Black, 3-Aadan Maxamed Nuur Saransoor, 4-Xasan Cabdinuur, 5-Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, 6-Saadiq Cabdullaahi Cabdi, 7-Shariif Maxamed Cabdalla & 8-Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Musharax weliba oo u taagan qabashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa la siiyay min 15 Daqiiqo oo hadal jeedin ah si uu ugu soo bandhigo sooyaalkiisa, waxqabadkiisa iyo codsiga uu ka rabo xildhibaannada codeynaya.

Maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka waxa ay keliya dhageysanayaan hadal jeedinta Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golahaas ee Baarlamaanka 11aad JFS maadaama berri 24-ka April 2022 loo dhigay khudbadaha ku xigeennada 1aad & 2aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.