Sodon iyo shan sano ka dib maqaayada isasaar ee ganacsade Xaaji iidow oo aan laga afurin raashinkii oo karsan ka dib markii ay yimaadeen ciidamo boliis ah oo ka socday saldhiga Afar irdoodka Dagmada xamar weyn
Hadaba Aniga oo ah Ibraahim Isaqa Iidow ahne milkiilaha maqaayada isasaar Somali ah dagan Xamar isla markaan ah maalgaliyaha dhismaha guriga dhaxaltooyada reer cawaale jamac ee ku yaal dagmada xamar weyn,gaar ahaan ka soo horjeedka bacadlaha xamar weyne ee yoobsan wadada kolombiin waxaa maqal ahaan igu soo gartay in laga iibiyey shirkada hormood
Waqti laga joogo 8 bilood ka hor waxaa ii yimid saleebeen cawaale iyo wiil uu adeer u yahay waxayna igu yiraahdeen waxaan rabnaa in aan guriga gadano ,waxaana ku dhahay guriga in aad gadataan ma xuma aniga garsh badan ayaa dhismahiisa iiga baxay ee meel iigu sheega ,saleemaan cawaale oo ka wakiil aha dhaxaltooyada ayaa iigu jawaabay anagaa waxaa meel kuu saari doono oo aan wada hadlin gurigaan lama iibin doono ,
Mudo 2 bilood ka dib waqtigaa wada hadalnay waxaan is aragnay qareenka shirkada hormuud telecom Sheikh Cabdirisaaq Aadan Macalin cabdulle sheeko ka dib maadaama aan aqoon isku laheyn wuxuu ii sheegay in guriga reer cawaale ay gadan rabaan shirkada hormuud ,waxaana u sheegay in aan guriga maalgaliyey oo aan lacag badan ku leeyahay ,wuxuu igu yiri reer cawaale jaamac lacagtaada meel ka soo saaro anaga guriga waan gadaneynaaye hadaan gadanane nalama tartami kartid waana ku dardareynaa waana kaa awood badan nahay ,sidaas darted yaanan ku kala tagin .
Waxaan gurigiisa ugu imaaday saleebaan cawaale waxaan u sheegay wixii aqbar ahaa ee aan soo maqlay ,wuxuuna iigu jawaabay warkaas waa jiraa laakiinse weli ducumentiyo ayaa naga dhiman ,anigaa kuu imaanaya oo aan wax isla meeldhigin ma dhacayso in guriga la gado .
Dhan kale ujeedo cadeyn heshiis manta oo ay taariikhdu tayay 29/03/2023 aniga oo ah liibaan cawaale jaamacina maryan Maxamed Adan ku dhashay Muqdisho sanadkii 1964tii lehne ID card basaboor no 264022 18….. tel No 061…….…..kana mid ah dhaxaltooyada reer Cawaale Jaamac isla markaana ka caafimaad qaba maskaxda iyo qalbiga biniadamka cid I qasbeysane jirin waxaan qoraalkaan ku cadeynayaa in heshiskii aan la galnay maalgaliye Ibraahim Isaaq iidow sida ku cad warqada heshiiska sumadiisu tahaya referensi 14596 isbaaro erbe kow iyo toban kuna taariikheysan 01/10/2011kaan soo baxday Xafiiska Nootaayada banaadir ,heshiiskas oo ku saabsanaa maalgalin dhismo guriga dhaxaltooyada reer Cawaale Jaamac eek u yaal dagmada xamar weyne loona yaqaan guriga yoobsan ,Heshiiskaa wuxuu dhamaaday sanadkii 29/03/2023 kuna taariiqeysnaa 29/03/2023 kana soo baxday nootaayada hiraabe ,
Sidoo kale anigoo ah Liibaan cawaale jaamac oo dhaxtooyada wakliil uga ahaa heshiiska waxaan qoraalkaan ku cadeynayaa in maalgaliye ibraahim isaaq iidow uu weli dhaxltooyada ku leeyahay lacagtii uu ku maalgaliyey dhismaha dabaqa sare ee guriga dhaxaltooyada reer cawale jaamac sida ku cad qodobka afraad ee heshiiska koowaad taasoo cadadeedu dhan tahay todobaatan iyo laba kun doolar wuxuuna qorshuhu ahaa in la siiyo lacagtiisa dhamaan marka guriga la iibiyo ilaa hadana lama siin lacagtiisa
Sugitaanka nootaayada al aamin
Xafiiska Nootaayada al aamin wuxuu halkaan ku cadeynayaa in saxiixyada sare ku xusan ay yihiin kuwii runta ahaa waxayna ku saxiixeen xafiiska dhexdiisa iyada oo aanay cidi qasbeyn qowl iyo ficil isla markaana ay iska aqriyeen qoraalkq dhamaantiisa waana cadeyn sax ah oo waafaqsan shareecada islamka iyo qaanuunka dalka waxaana loo keydiyey nuqul waxaana lagu qorey buuga diiwaanka guud ee nootaayada al aamin
Intaa markaan isla aragnay Bil ka dib wuu ii maaday isagoo wada niman uu iigu sheegay in ay ka socdaan shirkada hormuud gurigane uu ka iibiyey ,xubnihii ka socday shirkada hormuud waxaan u sheegay in aan guriga ku leeyahay lacag badan oo gaareysa todobaatan iyo laba kun oo doolar taasi oo aan ku balansaneyn intaan guriga la iibin in aan iska aragno oo aan isla meel dhigno wakiilka dhaxaltooyada saleebaan jaamac ,waxaana ka codsaday iney waqti kooban naga warsugaan intaan ka wada hadleyno waana is afran weynay maadaama aysan waxba ii wadin guriiina iibsadeen ,halkaa markey mareyso waxaan wacan xubnihii ka socday shrikada hormuud waxaana u sheegay in aan gurigaan maalgaliyey oo aan todobaatan iyo laba kun doolar kuleeyahay reer caawle jaamac na aysan waxba ii wadin .
Intaas ka dib shirkada hormuud markaan wax kasta la wadaagay waxay igu dheheen anagaa idin dhexdhexsaadineyno si aad isku fahamtaan ,laakiin nasiib saro waxaan arkay in ay la safteen dhinaca kale oo ay dacwada soo dhexgashay si xaqeyga la ii duudsiiyo.
Waxaa muuqata in hadalkii uu qaranka hormuud horey iigu shegay in laga dhabeeyey ,qarashka maalgalinta oo dhan todobaatan iyo laba kun doolar iyo qarashka qareenka iyadoo waxayga intaa la egyihiin ninka gurigiisa ku iibsaday halmilyan iyo shanboqol kun doolar iyo ninkii gurigaas looga iibiyey malyan iyo shan boqol kun in ay isku raacaan si ay xaquuqdayda ii duudsiiyaan ,cadalada maxkamada yaa looga fadhiyaa
Cadeeye ganacasade Ibraahim isaaq Xaaji iidow