Madaxweyne Xasan Sheekh “Shan himilo oo dalkeennu lahaa in uu xaqiijiyo sanadkaan waxaan ka gaarnay guulo wax ku ool ah. Waxaan ku guuleysannay ka mid noqoshada Dalladda bulshada bariga Afrika, Usbuuca ugu horreeya bisha Diseembar cunaqabateynta hubka ayaa nalaga qaadayaa, sidoo kale isla bishaas ayaa deynta nalaga cafinayaa. Waxaa iyaguna meel wanaagsan maraya dib u xoreynta dalka iyo dhammeystirka Daatuurka”.