Home Afsomali Muuqaal Wasaarada Gaashaandhiga oo guulo ka sheegatay lixdii bilood ee uu socday...

Muuqaal Wasaarada Gaashaandhiga oo guulo ka sheegatay lixdii bilood ee uu socday dagaalka dowladu iyo As

https://youtu.be/L6swdjnq44M

https://youtu.be/yAQhP4khO9M

Waxaa  magaalada Muqdisho laga soo dejiyay qeybtii ugu horeesay ciidamo dowladda tababar ugu dirtay dalka Eritrea , waxaana ciidankan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda.

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta Muqdisho laga soo dejiyay qaar kamid ah ciidankii tababarka ugu maqnaa dalka Eritrea.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidanka kale ee ku maqan dalka Eritrea dalka kusoo laabanayaan maalmaha soo socda, waxa uuna cadeeyay in ciidankan dalka dib loogu soo celiyay qeyb ka noqonayaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ee dalka ka socda.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay sii wadi doonto howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, waxa uuna xusay in ciidamada dalka lagu soo celiyay dhabar jab weyn ku tahay Al Shabaab iyo kooxaha nabadda kasoo horjeeda.

Ciidamadan tababarka ugu maqnaa dalka Erutrea ee maanta magaalada Muqdisho laga soo dejiyay iyo kuwa maalmaha soo socda imaanaya ayaa kusoo aadaya xilli dalka qeybo kamid ah ka socdaan howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.