Home Afsomali Dhageyso Muuse Biixi Cabdi oo fariimo u kala Diray Soomaaliya.

Dhageyso Muuse Biixi Cabdi oo fariimo u kala Diray Soomaaliya.

“Dabka ka kacaaya Soomaaliya waa mid aan hore uga kicin, Kismaayo iyo Xamar way is-haystaan oo kismaayo waxay ku duulaysaa Xamar oo maamul goboleedkii ayuu ku duulayaa Farmaajo, wuxuu ku duulayaa tii baydhabo, oo qaylada ka yeedhaysa aad maqlaysaan maantana uu madaxa isu geliyey Baarlamaankii, waxaad arkaysaan ta ka socota cadaado iyo dhuuso mareeb, waxaad arkaysaan gaalkacayo oo qaybsan, waxaad arkaysaan Puntland oo siday uga cabanayso aad arkayseen maalmihii u danbeeyey.
Intaa Markuu soo dhaafay wuxuu yidhi Berbera waa in aan weeraraa oo caalamku ila qabtaa, waa in aan Somaliland la dagaalamaa, ninkaa Soomaali magaalo-magaalo ula dagaalamaya ayaanu Annaguna leenahay illaahayow sharkiisa idinka ururi oo aynu u baahnay in aynu u caqli celino, haddii loo caqli celin waayana in la iska qabtee, Annagu Puntland iyo garoowe uma soo socono”, waxa kale oo uu madaxweynuhu yidhi “Gacan Nabadeed ayaanu u fidinaynaa Puntland Iyo Ummaddoo Dhanba” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudame Muuse Biixi Cabdı.
Codka hoos ka dhageyso 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.