Kulan looga hadlayo maqaamka magaalada Muqdisho iyo xuquuqda ka maqan Gobolka
Banaadir oo ay isugu yimaadeen Odayaal iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha
Hawiye ayaa maanta ka dhacay Muqdisho.
Kulankan oo ahaa kii labaad ee noociisa ah ayaa waxaa Maalgalaianyey Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka tisan Aqalka sare, waxaana ka qeyb galay Nabadoonada,
waxgaradka, odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda beelaha Hawiye qaarkood oo horey kala kooxo taageersanaan jiray ayaa isku wada arkay iyaga oo miidaysan .
sidoo kale shirka ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mida xildhibaanada labad gole ee beesha Hawiye inta an Nairobi aadin .
iyadoo dowladda Soomaaliya looga codsaday in Maqaamka Muqdisho dhismihiisa la bilaabo
isla markaana madaxweynahaa iyo guddoomiyaha G/Banaadir looga fadhiyo arrintaasi xili aan gudoomiyihii hore iyo madaxweynihiisii aan arimaha noocaan oo kale ah wax la sika weydiin jirin .
Ka qeybgalayaasha shirka ayaa ku dooday inuusan shirku ahayn mid lagu mucaaradayo dowladda ama cid kale balse uu yahay shir lagu raadinayo xaqa ka maqan Gobolka Banaadir.
Muuse Suudi ayaa si weyn uga horjeeda dowladda madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Kheyre, taasoo ka dambeysay markii xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view