Home Afsomali Muzambik oo gudeysa 100-kun oo wiil si ay uga gaashaantaan Cudurada ayka...

Muzambik oo gudeysa 100-kun oo wiil si ay uga gaashaantaan Cudurada ayka midka yihiin sii aqri

Dowlada Muzambik ayaa bilowday mashruuc balaaran oo lagu gudayo 100-kun oo rag ah si looga hortago cuduro faafo oo halis ah sida cudurka HIV AIDS oo laga qaado galmada ay sameeyaan raga iyo dumarka.

Mashruucan raga lagu gudayo ayaa laga bilaabayaa qaar kamid ah gobolada dalka Muzambik gaar ahaan gobolada ay ku yar yihiin raga lagudo sida uu sheegay Madaxa caafimaadka gobolada Dhaxe ee dalka Muzambik.

Qaar kamid ah dhaqaatiirta dalka Muzambik ayaa soo dhaweeyay mashruucan ay dowlada raga ku gudeyso, waxa ayna sheegeen dhaqaatiirta in gudniinka raga uu dhimayo cuduro badan sida cudurka HIV .

Hay’ad laga leeyahay dalka Mareykanka ayaa dhaqaalaha ku baxaya mashruucan gudniinka ah ka taagereysa Dowlada Muzambik, waxaana mashruucan gudniinka ah ku baxaya lacag aad u badan.

dhaqaatiirta ayaa ogaatay in gudniinku uu ku jiro ka hor tag caafimaad sida ay diinteenu qabtana ay sax tahay in la is gudo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.