Home Afsomali Nabadoon C/risaaq Yuusuf Siicow (Sheebal) oo gubta lagu dilay – nafta ayaa...

Nabadoon C/risaaq Yuusuf Siicow (Sheebal) oo gubta lagu dilay – nafta ayaa loo quuri waayey

Waxaa Xalat fiidnimadii lagu dilay Magaalada Muqdisho ALLAHA u naxariistee Nabadoon C/risaaq Yuusuf Siicow (Sheebal) oo ka tirsanaa waxgaradka beelaha Soomaaliyeed.

Marxuumka ayaa la sheegay iney rasaas ku fureen kooxo ku hubeysan bastoolado wax yar ka dib markii uu ka soo baxay masaajid ku yaalla xaafada Gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.

Raggii dilka fuliyey ayaa ka baxsaday goobta, iyadoo nabadoonkana uu isla halkaas ku qurbaxay sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah oo warbaahinta la hadlay.

Ciidamada amaanka ee dowlada Somalia ayaa gaaray goobta uu dilku ka dhacay, iyagoo sida caadada ah halkaas ka sameeyey howlgalo baaritaano ah inkastoo aan la sheegin cid loo soo xiray falkan.

Waxaa dilka nabadoonka ka tacsiyadeynaya dhamaan odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed gaar ahaan Nabadoon Samaale Yuusuf Siicow iyo Nabadoono kale oo aad uga xumaaday dilkan.

Lama oga cida ka dambeysay dilka marxuum Nabadoon C/risaaq Yuusuf Siicow (Sheebal), mana jirto illaa hadda cid sheegatay, balse dilkan ayaa ku soo aadaya xili ay mudooyinkan hoos u dhaceen dilalka qaarajinta ah ee ka dhici jiray magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.