Home Afsomali Naymar oo ku biiray kooxda Al Hilaal iyo Mushaarka uu qaadanayo oo...

Naymar oo ku biiray kooxda Al Hilaal iyo Mushaarka uu qaadanayo oo la shaaciyay

Kooxda Sacuudiga ee Al Hilal ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday goor dhaweyd saxiixa xiddiga reer Brazil Neymar, iyadoo 31 jirkaan uu soo gabagabeeyay lix sannadood uu joogay Paris Saint-Germain.

Xiddigii hore ee Barcelona oo dhawaan ka soo laabtay dhaawac ayay PSG u sheegtay inuu koox cusub raadsado taasoo keentay inuu doorto kooxda Sacuudiga.

Neymar ayaa hishiis labo sannadood ah u saxiixay kooxda Al Hilal kuwaasoo horay isagu dayay inay la saxiixdaan Lionel Messi iyo Kylian Mbappe.

Neymar ayaa qaadan doona mushahar gaaraya 160 milyan euro sannadkii, wuxuuna ka garab ciyaari doonaa xiddigaha sida Kalidou Koulibaly, Rubén Neves, iyo Malcom.

PSG ayaa soo ceshatay qeyb ka mid ah lacagtii rikoodhka ee ay ka bixiyeen Neymar sannadii 2017kii markaasoo ay ku iibsadeen 222 milyan euro.

Neymar ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee lagu iibsado in ka badan 300 milyan euro, labo jeer oo isku xigta oo la iibsaday.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.