Home Afsomali Nin ka mid ahaa Ergooyinkii dhawaan Codkooda dhiibtay oo lagu qaarajiyey Magaalada...

Nin ka mid ahaa Ergooyinkii dhawaan Codkooda dhiibtay oo lagu qaarajiyey Magaalada Muqdisho

Codynta Doorashada

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waxaa goordhaw bar koontarool oo kuyaala agagaarka Isgooska KM-4 ee magaalada Muqdisho gaar ahaan Wadada aada Garoonka Aadan Cadde lagu dilay nin shacab ah oo la sheegay in uu doonayay in uu halkaasi ka gudbo.

Askari katirsan ciidanka dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay in uu rasaas la dhacay ninkaasi shacabka ah sidaasna ugu geeriyooday goobta, waxaana halka uu dilku ka dhacay xiligaasi ku sugnaa dad shacab ah iyo ciidamo kale oo katirsan Dowlada.

Wali lama oga sababta ka dambeysa dilka uu askarigan katirsan ciidanka amaanka u geestay qofka shacabka ah, ninka la dilay ayaana la sheegay in uu kusii jeeday dhinaca garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ninka la dilay uu kamid ahaa Ergooyinkii dhawaan magaalada Jowhar ku dooratay Xildhibaan Cabdulaahi Goodax Barre, waxaana la sheegay ninka in uu kusii jeeday garoonka Aadan Cadde si uu halkaasi uga duulo.

Wali kama aysan hadlin laamaha amaanka dilkan ka dhacay goordhaw agagaarka Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho , lamana oga in askariga dilka geestay la xiray iyo in uu ka baxsaday goobta uu ka geestay dilka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.