ODAYAASHA BEESHA HAWIYE OO TAAGEERAY GO”AANKA GOLAHA SHACABKA SOOMAALIYEED. Mogadishu,Somalia 13ka April,2021
Kulan ay isugu yimaadeen Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye loogana hadlay xaaladda uu dalku marayo ayaa laga soo saaray qodobadaan hoos ku qoran.
1. Odayaasha dhaqanku iyagoo tixgalinaya duruufta adag ee uu dalku kujiro iyo diidmadii qaar kamida madaxda dowlad-goboleedyadda ee heshiiskii siyaasadeed 17-kii September,2020 waxeey soo dhawaynayaan go”aankii sharciga ahaa ee waafaqsanaa Qodobka 47aad ee dastuurka dalka Somaaliya.
2. Odayaashu waxeey soo dhawaynayaan in awoodda lagu soo celiyo shacabka Soomaaliyeed taas oo aan u aragno mid dalka u horseedaysa mustaqbal wanaagsan.
3. Odayaashu waxeey ku boorinayaan dhamaan madaxda DF iyo madaxda DG inay kawada shaqeeyaan sidii ay dalka oga dhici-lahayd doorasho qof iyo cod ah.
4. Odayaashu waxay ugu baaqayaan beesha caalamka inay tixgaliyaan Go” aankii golaha shacabka Soomaaliyeed ee soo baxay 12kii April, islamarkaana inay ixtiraamaan madax-bannaanida, midnimada dhuleed, siyaasadeeda, midnimada ummada Soomaaliya,
5. Odaashu waxay ugu baaqayaan shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan Wadajirka Dawlad-nimadda iyo Dastuurka Ummadda Somaliyeed kana feejignaadaan waxkasta oo wax u dhibikara Nabadgalyada iyo maslaxada ummada Soomaaliyeed
6. Odayaashu waxay ugu baaqayaan dhamaan dhinacyada siyaasada inay ka fogaadaan waxkasta oo keeni-kar isku dhac iyagoo ilaalinaya maslaxada iyo deganaanta shacabka Muqdisho.
Wabillaahi Towfiiq
DHAQANKA GUUD EE BAALAHA HAWIYE.