Home Afsomali OGEEYSIIS MUHIIM DEEQDA WAXBARASHO EE HORMUUD TELECOM ( HTSP)

OGEEYSIIS MUHIIM DEEQDA WAXBARASHO EE HORMUUD TELECOM ( HTSP)


Hormuud Salaam Foundation waxay ogeysiinaysaa Ardayda ka baxday Dugsiyada Sare ,gaar
ahaan sanad dugsiyeedka 2018/2019 & 2019 /2020 in la qaadi doono Imtixaankii lagu
codsanayey Deeqda Waxbarasho ee sanadlaha ah ee shirkada Hormuud Telecom.
Imtixaanka waxaa la qaadi doonaa 4 & 5 August 2020, wuxuuna ka dhici doonaa Xarunta
Jaamacada Hormuud ee Buulo Xuubeey.
Sharuudaha Gelidda Imtixaanka eeardey kastaa laga rabo waxaa ka mid ah:
1. Ardey kastaa Inuu buuxiyo Foomka Codsiga Imtixaanka, kaasoo laga helikaro
Ciwaankaan : http://hsp.htf.so/portal/StudentRegistration, laga bilaabo, Axad 12ka
July 2020, saacadda markeey tahay 10-ka (subaxnimo), ilaaa 13 July,10:00am ama markii
aay is diiwaan geliyaan 400 ardey.
2. Inuu ka mid yahay Ardayda dhameysey dugsiga sare Sanad Dugsiyeedka 2018/2019
& 2019/2020.
3. Inuu ardaygu heysto aqoonsiga Roll Number ee Wasaaradda waxbarashada
4. Inuu helikaro Shahaadada dugsiga sare markii loo baahdo.
5. Ardey kastaa waxaa laga codsanayaa inuu soo xirto Weji xirasho ( Face mask), iyadoo
la raacayo timlaamaha caafimaad ee wasaarada Caafimaadka bixineeyso ee
xaaladaha Covid-19.
Waxaana loo tartami doonaa sanadkaan kulliyadaha kala ah:
 Kuliyadda Beeraha
 Kuliyadda Badda
 Kuliyadda ICT
 Kuliyadda Geology
 Kuliyadda Shareecada iyo Qaanuunka
Haddaba Ardayda iyo Waalidiinta Soomaaliyeed waxaan ku wargelinaynaa in Imtixaankaas
isu diyaariyaan.
Wixii faah faahin ah kala xiriir telefoonada hoos ku qoran
Tel: 0613 99 33 67 Ama 0613 99 33 68

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.