Home Afsomali Oromada Mooyaale oo eedeymo u jeediyey Somalida ay iskula nool yihiin degaankaa...

Oromada Mooyaale oo eedeymo u jeediyey Somalida ay iskula nool yihiin degaankaa in ay bambaanooyinka gacanta ku Weeraraan Aqaladooda

Inta la xaqiijiyay 3 qof ayaa geeriyootay  ugu yaraan 50 kalane way ku ku dhaawacmeen Bam Gacmeed lagu tuuray goob Gaadiidka laga raaco oo ku taalla Magaalada Mooyaale ee Dalka Itoobiya.

Dadka dhaawacmay ayaa waxaa ku jira qaar ay xaaladooda liidato waxaana la dhigay Isbitaal weyn oo ku yaala magaalada sida ay dhaqaatiirta Caafimaadka sheegeen.

Saraakiil u hadashay Maamulka magaalada Mooyaale ee Ismaamulka Oromada ayaa weerarkaas ku eedeeyay Soomaali Galbeed ee Itoobiya Maamusho waxaana ay ku sheegeen in falkaasi uu ahaa mid naxdin leh.

Dhinaca Maamulka Soomaali Galbeed kama hadlin eedeynta loo soo jeediyay ee la xiriirta weerarka maanta lagu qaaday Magaalada Mooyaale.

Ciidamada Itoobiya ee dowladda Federaalka ah ayaa dhawaan 12 qof ku dilay degaankaas,waxaa ay sababtay in kumanaan Oromo ah ay u barakacaan dhinaca dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.