https://youtu.be/VNVsE3RPUKA
Dagaal culus ayaa ka socdo gudaha magaalada Baabili oo ka mid aheyd dhulkii ay dowladii dhacday dagaalka ku qabsatay 77kii isla markaana maamul ahaan hoos timaadda gobolka Oromada ayna wada degaan qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo kamida dhulka sida xaqdarda ah maamulka Oromada loo hoos geeyay.
Dagaalladan oo maalmahanba ka socday tuulooyin ku hareereysan magaalada baabili ayaa wuxuu ku sii faafay magaalada gudaheeda. Ilaa iyo hadda waxaa dagaalkaasi ku dhintay 6 qof waxaa kale oo jira dhaawac tiro badan waxaana burbur xooggan loo geystay goobaha ganacsiga oo ay Soomaalidu ku lahayd magaalada Baabili oo u dhaxeysa jigjiga iyo dhagaxbuur .
Maleeshiyaadka Oromada iyo shacabka oo is wata ayaa waxay cagta mariyeen suuqyada ay Soomaalidu ku lahaayeen magaalada Baabili waxay sidoo kale bur buriyeen hanti badan oo dad shacab ah lahaayeen. Dagaalladaasi ayaa waxay maalmihi lasoo dhaafay ka socdeen tuulooyinka Erer iyo Biisidiimo iyo harar geey waxay ku fideen gudaha Baabili.
Dagaaladan ayaa waxaa dabada ka riixaya kooxda TPLF waxaana idiin soo gudbin doonaa wixii kasoo kordha haduu ilaahay yiraahdo.
heshiisyadi Hore Hal;kaan ka daawo
https://youtu.be/KtrBTXkjuWg