Home Afsomali Puntland oo Malafka Xildhibaanada lagu doortay  ku  wareejisay guddiga doorashada

Puntland oo Malafka Xildhibaanada lagu doortay  ku  wareejisay guddiga doorashada

Guddiga maamulka doorashada heer dowlad Goboleed ee ( SEIT) Puntland, ayaa maanta Guddiga Doorashooyinka Heer Federal ee (FEIT) Ku wareejiyey Xogta iyo Galalka doorashadii ka dhacday Puntland ee lagu soo doortay Xildhibaanada labada Aqal. Waxaana malafkaas doorashada kala wareegay Guddiga FEIT ee ku sugan Puntland.
 
Guddiga doorashada hee federaal ayaa uga mahadceliyay guddiga SEIT Puntland sida ay ugu wareejiyeen malafka xildhibaanada lagu doortay Puntland, waxa ay sidoo kale ugu baaqeen guddiyada kale in sidaan oo kale usoo wareejiyaan malafyada xildhibaanada labada aqal ee la doortay.
 
”Waxaan oga mahadcelinaynaa Guddiga SEIT Puntland sida hufnaanta leh ee ay ula shaqeeyeen GHDHF, sidoo kalana waxaan ku boorrinaynaa Guddiyada kale inay soo wareejiyaan dhammaan xogta doorashada iyo Xildhibaannada la soo doortay, si guddiga FEIT uu fuliyo Jadwalka dhammeystirka doorashada ee uu dhawaan shaaciyey.” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga doorashada heer federaal.
 
Dowlad goboleedyada Gobolada Waqooyi,Puntland ,Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa soo gabagabeeyay doorashada xildhibaanada labada aqal,waxaana wali xubno ku harsan yihiin maamulada Hirshabelle iyo Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.