Home Afsomali Taliye urur yiri waxaan tooganay Maxkamad la.aan 7 nin oo magacyadoodu...

Taliye urur yiri waxaan tooganay Maxkamad la.aan 7 nin oo magacyadoodu kala yihiin ….

Ciidamada Dowladda Soomaaliya  ee jooga degmadaasi ay  toogteen ku dhawaad 7 qof oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-dagaalamayaasha Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidanka ee degmada Baardheere ayaa sheegay in maxkamad aysan marsiin raga la toogtay , waxaa ayna arintaasi u sababeeyeen kadib markii dhawaan uu  go’aan  ka soo baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in ay toogtaan meesha ay ku arkaan xubnaha Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa waxaa ay faahfaahiyeen Magacyada Raga ay toogteen:-

1.Saleebaan Maxamed Sheekh

2. Maxamuud Maxamed Buule

3. Maxamed Cabdi Cali.

4. Maxamed Yuusuf Isaaq

5. Aadan Carabeey Xalane.

6.Maadeey Xaaji Macalin.

Faarax Maxamed Turbac oo ah Taliyaha Ururka 49aad ee Miltariga Soomaaliya oo la hadlay saxaafada  ayaa sheegay in ay fulinayaan go’aankii  dhawaan ka soo  baxay Taliska Milatariga iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, kaasi oo ku aadanaa in ay toogtaan meesha ay ku arkaan xubnaha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.