Home Afsomali Puntland oo shaacisay liiska magacyada Masuuliyiin iyo Saraakiil uu dilay Nuurdeeq Maalinguur

Puntland oo shaacisay liiska magacyada Masuuliyiin iyo Saraakiil uu dilay Nuurdeeq Maalinguur

Dowladda Soomaaliya ayaa shalay shaacisay in ciidanka dowladda iyo kuwa daraawiishta Galmudug uu isku soo dhiibay Nuurdeeq Cabdullaahi Maalinguur oo kamid ahaa saraakiisha ugu sareysa kooxda Al Shabaab ee ka dagaallanta gobolka Mudug.

Qoraal kasoo baxay ciidanka PSF ee maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in sargaalkan kasoo goostay Al Shabaab ee Nuurdeeq uu dambiyo waa weyn ka geestay gobolka Mudug, waxa ayna ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa dilal loo geestay masuuliyiin iyo saraakiil.

Ciidamada PSF ee Puntland ayaana shaacisay in Nuurdeeq ku lug lahaa dilal loo geestay taliyihii hore ciidamada milatariga qeybta 21-aad, guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Puntland,duqii hore ee Gaalkacyo Puntland iyo taliyihii Danab ee gobolka Mudug.

Qoraalka kasoo baxay ciidamada gaarka ee Puntland ayaa lagu sheegay in sargaalkan uu isa soo dhiibay markii uu waayay gabbaad, waxa ayna dalbadeen in ninkan la horgeeyo caddaalladda oo lagu qaado dambiyadii uu galay.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.