Home Afsomali Puntland oo si kulul kaga jawaabtay Eedeyn kaga timid Somaliland

Puntland oo si kulul kaga jawaabtay Eedeyn kaga timid Somaliland

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka jawaabtay eedeyn Culus oo kaga timid Somaliland,taasi oo ku aaddaneyd inay ku lugleedahay dagaalka magaalada laas caanood.

Warsaxaafedeed lasoo baxay Punltalnd  ayaa lagu sheegya in Mowqifkeedi hore aan waxba iska badalin. Eedaynta  Somaliland-na aysan ka duwanayn eedihii  hore, waxaana intaa ay ku dartay in Somaliland ay rabto in ay ku siyaasadayso,  kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo.

“Waxaan cadaynaynaa in aan  Puntland dagaalka qayb ka ahayn, kuna jirin, Mowqifkeedi horena aan waxba iska badalin. Eedaynta  Somaliland-na kama duwana kuwii hore ee marin habaabinta ahaa iyo isku day kale oo caalwaaa ah oo ay rabto in ay ku siyaasadayso,  kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Puntland.

Waxaa Puntland ay intaa ku dartay in Dadka deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimadooda dhaqanku iyaga oo xor ah, nabad ah  oo aan xabad dhafoorka looga hayn ay xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan rabitaankooda iyo masiirkooda rabulsho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.