Home Afsomali Qaasim Suleeymaan: Sida ay dunida uga falcelineyso dilka janaraalka ugu caansan Iran

Qaasim Suleeymaan: Sida ay dunida uga falcelineyso dilka janaraalka ugu caansan Iran

Janaraal Qaasim Suleymaan oo ahaa madaxa cutub kamid ah ciidamada ilaalada kacaanka ee dalka Iran oo lagu magacaabo Quds ayaa waxaa lagu dilay gantaallo ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku rideen elaboorka magaalada Baghdad ee dalka Ciraaq waxaana dilkiisa xaqiijisay dowladda Mareykanka.

Ciidamada Qudus ayaa ah ciidan qaabilsan hawlgalada dibadda, kana tirsan ciidamada dalka Iran.

Wasaaradda gaashaandhiga ee Mareykanka ayaa sheegtay in dilka Qaasim Sulaymaani uu amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

62 jirkan hogaaminhyayay ciidamada Qudus ayaa waxaa loo arkayay inuu ahaa qofka labaad ee ugu awoodda badan dalkaasi Iran marka laga oo tago hogaamiyaha maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Ayatollah Khamenei.

Gudaha dalka Iran waxaa uu ka ahaa geesi qaran balse Mareykanka ayaa Janaraal Suleeymaan iyo ciidamadiisa Qudus waxay u yaqaaneen argagixiso.

Sidan ayay dunida uga falcelisay dilka Qaasim Suleeymaan.

‘Argoosi xanuun badan’

Hogaamiyaha Maxkamadda ugu sareyso dalkaasi Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in ”aargoosi xanuun badan uu sugayo dambiileyaasha” ka dambeeyay weerarka, iyadoona dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibedda Iran Javad Zarif weerarkaasi ku tilmaamay ”ficil argagixiso caalami ah”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.