Xujaaydii sanadkaan xajka seegay in badan oo ka mid ah ma qalad Xaga farsada ah mise xaga mamulka ah
Xajku waa mid ka mid ah lixda tiir islaam wuxuuna ku waajibaa qof kasta oo qaangaar ah buuxiyeyna sharuudaha alle ku waajib yeelay wuxuuna ka mid noqdaa martiga alle ee Beydka kacbada iyo dhulka Barakeysan .
sanadkaan xujayda isku diyaarisay in ay gutaan acmasha xajka waxaa ka soo deristay kala jiidasho sababay qiimaha xajigu uu ku tagayo xajka ka gadaal markii ay dowladu ogaatay in qiimaha ugu badan wadamada geska africa la duldhigay Somaliya waxayna wasaarada diinta iyo owqaaftu oo aan laheyn diyaarado iyadu masuul ka tahay ay soo saartay in xajka diyaaraduhu ka dhigaan $3300 oo marka loo eego dalalka dariska ah in badan ka qaalisan sida Djouti Ethiopia kenya iyo wadamo kale
hadaba maxaa dhacay
xujaadii waxaa laga qaaday in ka badan waxaana lagu wargaliyey in hadii la weydiiyo ay sheegaan qiimaha dowladu soo saartay qaar ka mid ah ayaa ka biyo diiday oo yiri markii aan guryaheena joognay been ma sheegi jirin hada oo aan xaaji ahaynka arinta jirta un baan sheegayaa iyo qiimaha la iga qaaday
diyaaradihii loogu tala galay waxaa lagu kordhiyey ilaa 3 diyaaradood oo aan wax ogolaanshiyo ah ka heysan in ay tagi karaan dalka sacuudiga waxayna xaalad dadgureyn ah u geynayeen dalalka kenya Ethiopia iyo Djabouti hase yeeshee waa uun laga sii qaadayey ,sacuudiga oo amar duldhigay darteed
Qaladaadka dhacay
dad isla socday oo qaarkood visooyin helay halka qaarna basbooradoodii dib loogu soo celiyey
shirkadaha diyaaradaha ayaa iyadu ka dal baday in ay jameeco jameeco ku baxaan balse culumada diintu taa waa ay diiday oo waxay leeyihiin ansah maaha
waxaa iyane wqalad ka yimid qoraalka xaga jinsiga ah oo male iyo female qaarkoo la isku bedelay oo magacyada raga iyo dumarka ay lab iyo dhedig u kala badalmeen xiligii la qorayey kuwaasna dib loogu soo celiyey maamulkii shirkadihii iyo muqalasiinta oo dadku aysan si toos ah marki horaba shirkadaha diyaaradaha ula xariirin
dadka qaar ayaa ku gaabsaday in 30 sano ku dhawaad qalad lagu socday aan sanad lagu sixi karin waxaana kaliftay dalka oo aan laheyn shirkad diyaaradeed iyo bulshada oo u dhago nugul baaqa sicirka muqalasiinta jahweerka ku dhacay daraadeed.