Taliska Nabadsugida ayaa shegay in gariga lagu fuliyay qaraxa manta ka dhacay dagmada wadajir uu ahaa gaari hariyar ah islamarkana uu si dhuumaleysi ah wadooyin qarda jeex ah oga soo galay dagmada,
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar looa deegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay goor dhaw lala eegtay Suuq ku yaala xaafadda Kaawo Godey ee degmada Wadajir.
halkaan hoose ka Dhageyso Alshabaab
Guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa u sheegay warbaahinta Qaranka in qaraxa uu ka dhacay goob suuq ah, isla markaana uu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Qaraxa goobta uu ka dhacay oo ay ku yaaleen guryo jiingado ah ayaa u sahashay in firikiisu gaaro masaafo aad uga fog halka uu ka dhacay waxaana sii kordhay waxyeelada uu geystay maadaama firirku sii marayey guryo badan oo uu ka sii dusayey midba midka kale
Dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxan xoogan ee ka dhacay Suuqa Kaawo Godey ayaan helin gurmad deg deg ah, waxaana daqiiqado badan kadib halka uu qaraxu ka dhacay gaaray gaadiidka Amplaasta kuwaa oo markii dambe goobta ka qaaday dhaawacyada iyo dadka dhintay.
Qaraxa ka dhacay Suuqa kuyaala Xaafada Kaawo Godey ayaa sidoo kale sababay in uu gubto qeybo kamid ah Suuqa , waxaana markii dambe dabka damiyay gaadiidka dab damiska oo goobtaasi si deg deg ah u gaaray.
Saraakisha Nabadsugida waxa ay shegeen in ay wadaan baritaan la qaraxiiro qaraxa,
Ku dhawaad 100 qof ayaa dhimasho & dhawac ku noqday qaraxa oo wararka qaar ay shegayaan in uu ahaa ismiidamin,
Xilliga gaariga qarxayay ayaa suuqa Xaafada Kaawo Godey ahaa mid aad u mashquul badan, waxaana suuqa xilligaas buux dhaafiyay dad ka iibsanayay Qaad.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka wax ku noqday qaraxa ay ku jireen askar ka tirsan ciidanka dowladda oo inta badan suuqa ka iibsada xilliyada duhurka Qaadka.
Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in illaa 84 ruux oo dhaawacyo ah la keenay isbitaalka, Qaar ka mid ahna ay dhinteen, halka qaarkoodna guryahoodii loo celiyay.
Ugu danbeyntii, qaraxan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho marka la eego baaxada khasaaraha ka dhashay kii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada Muqdisho tan iyo markii la doortay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.
https://youtu.be/paZuFMTwuLc
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0