Home Afsomali Qarax ismiidaamin ah iyo dagaal wada socda oo alshabaab ka bilowday camaara...

Qarax ismiidaamin ah iyo dagaal wada socda oo alshabaab ka bilowday camaara ee gobolka Mudug


Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Weerar saakay ku bilaawday qarax iyo is-miidaamin ah oo  dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku qaadeen deegaanka Camaara ee gobolka koonfurta gobolka Mudug.

Weerarkan ayaa la sheegay in uu xigay dagaal toos ah oo u dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa daaraawiishta Galmudug ee ku sugnaa deegaanka la weeraray oo ah mid istaraatiiji ah.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya oo saxafada la hadlay ayaa sheegay inay khasaaro lixaad leh gaarsiiyeen dagaalyanada kooxda Al-Shabaab ee soo weeraray, isla-markaana ay iska difaaceen weerarka lagu soo qaaday, sida ay hadalka u dhigeen.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa guullo ka sheegatay weerarkan iyo dagaalka xigay, waxaana ay shaacisay inay la wareegtay gacan ku heynta deegaanka Camaara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.