Qarax qasaaro geystay oo ka dhacay Caasimada dalka ee m/muqdisho.
Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray xero ay degan yihiin Ciidanka xoogga dalka oo ku taal dhabarka dambe Garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho ee degmada Warta Nabadda Ex Wardhiigley.
Wararka ayaa sheegaya in gaari nuuca loo yaqaano Noha oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay uu isku qarxiyay xerada ciidanka, Guutada 12-ka April.
Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa, iyadoo weli la heyn tiro rasmi ah, hase ahaatee qaar ka mid ah warbaahinta maxalliga ayaa sheegaya in ugu yaraan lix askari ku dhinteen, tiro intaa ka badan ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaa ku daraya in khasaaraha ka dhashay qaraxa uu aad u badan yahay, isla markaana gaariga qarxay uu gudaha u galay xerada.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee dowladda oo ku saabsan qaraxan, waxaana uu ku soo beegmayaa qaraxa iyada oo magaalada inta badan waddooyinkeeda yihiin kuwo xiran, isla markaana isgoysada la dhigay ciidamo