Wararka aan ka heleyno degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw qarax aad u xoogan jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah Maxaas, waxaana qaraxaasi la sheegay in uu ka dhacay koontarool magaalada laga soo galo.
Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxay oo kusoo jeeday degmada Maxaas ayaa lagu qarxiyay bannaanka magaalada, waxaana la sheegay gaarigaasi in ay fashiliyeen oo qarxiyeen ciidamada Itoobiya iyo ammaanka ee ku sugan bannaanka Maxaas.
Inta la xaqiijiyay qaraxa waxaa ku dhinaty ninkii waday gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, lamana soo sheegin khasaaro qaraxa kasoo gaaray ciidamada Macawuusleyda iyo kuwa kale ee ammaanka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxcamuud ayaa xilliga qaraxadhacayay ku sugnaa xero ciidanka dowladda leeyihiin, waxa uuna halkaasi kula hadlayay ciidankii goobta joogay, isagoona sii watay hadalkiisa xilli uu dhacay qaraxa xooggan.
https://youtu.be/ghtlsVaIFa0
https://youtu.be/C7nBMeqww7Q