Qarax xoogan oo goordhaw ka dhacay muqdishu kaa oo jugtiisa laga maqlay qeybo badan oo kamid ah magaalada wuxuna ka dhacay Isgooska Baar Ubax ee Degmada Howl Wadaag.
Sida aan Wararka ku helnay qaraxa ayaa ahaa miino wadada dhinaceea la dhigay, waxaana la sheegay in qaraxa uu haleelay gaari marayay halka ay ka qaraxday.
Labo qof oo saarnaa gaariga qaraxa haleelay ayaa la sheegay in uu dhaawac culus soo gaaray, waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in waxyeelo soo gaartay dad kale oo goobta ku sugnaa.
Lama oga cida lala beegsaday qaraxan oo dhacay daqiiqado yar kahor, waxaana halka uu qaraxu ka dhacay oo aheyd goob mashquul badan mar qura ku kala cararay dadkii ku sugnaa.
Qaraxan ayaa imaanaya xili ay inta badan xiran yihiin wadooyinka magaalada Muqdisho ayna ka howl galayaan ciidamada amaanka, waxaana qaraxan sidoo kale kusoo aadaya xili Baarlamaanka maanta dood ka leeyahay amaan darada kusoo korortay Muqdisho.