Home Afsomali Qarax Khasaare geystay oo cidii Diinsoor ka mid Noqday

Qarax Khasaare geystay oo cidii Diinsoor ka mid Noqday

Wararka naga soo gaaraya degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa waxa ay sheegayaan in Qarax Khasaare geystay uu ka dhacay degmadaasi.

Qaraxa oo ahaa Miino dhulka lagu aasay ayaa lala beegsaday Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada Diinsoor.

Sidda ay sheegayaan goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ah meel u dhow guriga Gudoomiyaha Ururka Haweenka Baarliin Haaji Buille , waxaana Wararka Qaar ay sheegayaan in ay ku geeriyootay.

Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Saddex ruux oo la sheegay in ay ahaayeen Caruur la socotay Gudoomiyaha Ururka Haweenka degmada Diinsoor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.