INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN
Allaha unaxariisto walalken Ahmed Ahmed Abdulahi Bashane oo ahaa taliyaha saldhiga degmada waabari.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lagu weeraray caawa Saldhiga booliska degmada waaberi oo ku yaala agagaarka Isgoyska Dabka ee wadada Maka al Mukarama
Qarax ayaa geystay Qasaaro dhimasho iyo dhaawac waxaana goobta qaraxa ka dhacay oo ah goob aad u mashquul badan maqaayado badan. Oo aad loo fadhiisto.
Taliyaha Saldhiga Axmed Baashane ayey wararku sheegayaan inuu ku geeriyooday qaraxan waxaana dhaawacyo ay soo gaareen Saraakiil iyo Askar ku sugnayd saldhiga.
Goobjoofayaal ayaa somalisan u sheegay in gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa lagu dhuftay birta xeendaabka u aheyd saldhiga ka dibna uu sidaa ku qarxay
Qarax xoog leh ayaa hadda ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa laga maqlay degmooyin badan oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Warar hor dhac ah waxay sheegayaan in qaraxaas uu ka dhacay saldhigga degmada Waaberi, oo ku yaalla meel u dhaw isgoyska Dabka. Illaa hadana lama xaqiijin nooca uu yahay.
Taliyihii Saldhigga degmada Waaberi Axmed Baashane (Axmed yare) ayaa ka mid noqday dadka ku geeriyooday Qaraxaas, waxaan jira khasaare kale oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac