Home Afsomali qarax saakay lagulla jarmaaday  masuliyiin ku sugnaa Baardheere

qarax saakay lagulla jarmaaday  masuliyiin ku sugnaa Baardheere

Waxaa faahaahin dheeraad ah ka soo baxaysa qarax saaka arroornimadii lala beegsaday guri ay daganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Warrarka ayaa sheegaya in ugu yaraan shan askari iyo afar qof oo ra’yid ah ay ku dhinteen weerarkaas.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa la sheegay in lala beegsaday gurigaaas oo ku dhawaa xarumo dowladeed oo ku yaalla gudaha magaalada Bardheere.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaas, sida ay sheegtay warbaahinta taageerta kooxdaas.

Masuuliyiinta halkaas ku sugnaa ayaa la sheegay inay la socdeen wefdi uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee amniga maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan).

Waxaa maalmahan siyaabo kala duwan looga hadlayay ciidan tababar looga furay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Siyaasiyiinta abaabushay ciidankaas oo ay hoggaaminayaan Senator Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag iyo wasiirkii hore ee amniga Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa ku doodaya in ciidanka uu yahay mid Al-Shabaab looga saarayo deegaannada ay ka joogaan Gedo iyo Jubbada Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.