Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxa caawa ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay banaanka huteel uu deganaa Taliyaha Ciidanka Lugta Soomaaliya, Jeneraal Cabdixakiim Maxamed Dirir.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qarax xoogan uu ka dhacay banaanka hore Hotel kuyaala Koonfurta Gaalkacyo, qaraxa kadib ayaana la maqlay rasaas xoogan oon wali la ogeyn cida rideysay.
Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta aaga uu qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi buux dhaafiyay ciidamada amaanka gaar ahaan Ciidamada Danab ee ku sugan magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha iyo saraakiil kale ayaa lagu waramayaa in ay ka badbaadeen weerarkan oo aysan jirin koox illaa iyo haatan sheegatay.
Weerar oo loo adeegsaday gaari walxo qarxa laga soo buuxiyey ayaa la sheegayaa in uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamadda ayaa isku geedaamay halka ay wax ka dhaceen, taasoo adkeyneysa in la helo khasaaraha guud ee dhabta ah.
Taliye Dirir oo xilkaas loo magacaabay bishii October ee sanadkan ayaa maalmihi u dambe u joogay degaanada Galmudug arrimo nabadeyn ah.
Waxii Warar ah ee kusoo kordha qaraxa kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah