Degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa qarax ka dhacay waxaa ku geeriyoodat wiil iyo gabar Wadadhashay
Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxa uu ahaa miino jidka lagu aasay oo lagu bartilmaameedsanayay gadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM hasse ahaatee ay ku dhinteen wiil iyo gabar wada saarnaa mooto xiligaa goobta mareysay.
Waxaa uu intaa ku daray qarax wax khasaare ah ka soo gaarin ciidamada AMISOM marka laga soo tago dhimashada labada ruux ee rayidka ah.
Ma’aha markii ugu horeysay oo sidan oo kale dad rayid ah ku dhinteen qarax lagu bartilmaameedsanayo ciidamada AMISOM oo inta badan isticmaala gadiidka qufulan ee aan rasaastu karin.
Dhanka kale Ugu yaraan 4 Askari oo ka tirsanaa Ciidamada AMISOM ayaa ku geeriyootay kadib Qarax Miino oo Kolonyo ay Ciidamada AMISOM la socdeen lagula eegtay Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Weerarkaan ayaa ka dhacay Nawaaxiga deegaanka Cadow Dibille ee Duleedka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Kolonyadaan oo ka ambabaxay Degmada Afgooye ayaa ku wajahnaa Deegaanka Shalaanbood ee Gobolkaasi Shabeelaha Hoose,
Goob Joogayaal ayaa Idaacadda Shabelle u xaqiijiyay in mid ka mid ah Gaadiidka Kolonyada Ciidamada AMISOM uu haleelay Qaraxaasi Miino ayna ku dhinteen illaa 4 Askari.
Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro Gaadmo ah kula beegsada Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya Gobolkaasi Shabeelaha Hoose , kuwaas oo mararka qaar Khasaarooyin ay kala kulmaan Ciidamadaasi.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0