isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho waxaa galay rag Ku labisan ciidanka police ka oo qaraxyo ka bilaabay
Jugta qaraxan ayaa si weyn looga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir, qaraxa kadib waxaa cirka isku shareeray uuro madow, taasi oo ay arkeen shacabka qaar ee ku nool Muqdisho.
Ciidamada ku sugnaa Barta Kontorool ayaa qaraxa kadib riday rasaas fara badan oo ay kaga jawaabayaan qaraxa dhacay, waxa dhacay qaraxyo kale oo la ogeyn in uu yahay naftiis hore waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay ka akdhaw xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Warar hordhac ah ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay qaraxan, Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa gaaray goobta.
Goobta uu qaraxa ka dhacay sidoo kale waxaa gaaray gaadiidka gar gaarka deg deg ah ee Ambalaasta, kuwaasi oo halkaasi ka daad gureeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxaasi.
Siakstaba ha ahaate waxay dowlada ku guuleesatay in ay amniga caasimada sugta mudo bilo ah sido kale waan idin so gudbin doona wixi faahfaahin ah qaraxa iyo dagaal kasocda agagaarka Siyadka .