Qodobada ku jira Xeerka Saxaafadda ee Urrurada Saxaafadda & Wariyeyaasha ay walaac ka muujinayaan ayaa waxaa kamid ah.
1: In dhamaan Wariyeyaasha Madaxa bannaan ee ka howlgalla dalka ay qaataan Kaararka Aqoonsiga Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.
2: In Xeerka uu dhigayo in dhamaan Idaacadaha iyo Tv-yada ka howlgalla dalka aysan aheyn kuwa jira hadda kadibna la diiwaangelinayo.
3: In Warbaahinta ay diiwaangelin ka qaataan Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboleeyada iyo guddiga Warbaahinta oo Urrurada saxaafadda ay sheegeen in gudigaas ay u arkaan mid faafreeb ku sameynaya Wararka Idaacaddaha ka baxa.
4: Qaabka xeerku farayo in uu u dhismo golaha saxaafadda Qaranka
Xoghayaha Ururka SJS Cabdalla Axmed Muumin ayaa sharaxaad dheeri ah ka bixinaya qodobada caqabad ku noqon kara Shaqada Warbaahinta iyo Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee xeerka kujira.