Home Afsomali Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka Boostada xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in...

Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka Boostada xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Cali Ibraahim Shaami

Wasiirka  isgaarsiinta xukuumada Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa xilka ka qaaday Cali Ibraahim oo kamid ahaa guddiga madaxa banaan ee isgaarsiinta qaranka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka Boostada xukuumada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Cali Ibraahim Shaami oo kamid ahaa guddiga isgaarsiinta qaranka oo dhawaan la dhisay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Cali Ibraahim uu dhawaan ku biiray xisbiga Horusocod, islamarkaana uu diiwaan geliyay, taasi oo keentay in xilka laga qaado, sida ku cad qoraalka kasoo baxay xafiiska Wasiirka isgaarsiinta.

Cali Ibraahim, ayaa kasoo muuqday warbaahinta Horaantii Bishii April ee sanadkaan, waxaana uu wariyaasha Muqdisho uu kala hadlayay xisbiga cusub iyo xubinnimadiisa.

Guddiga isgaarsiinta ayaa la sheegay inuu yahay mid madax banaan, waxaana la ogeyn qaabka uu wasiirka boostada uu xilkaasi kaga qaaday xubin guddiga kamid ah.

Guddigaani ayaa sameyntiisii waxaa ka dhashay buuq badan, waxaana diidanaa maamulada dalka qaar kamid ah shirkadaha isgaarsiinta iyo xubno kale, walow markii dambe la xaliyay khilaafaadkii jiray.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka masuulka xilka laga qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.