Qarax Ismiidaamin ah uu fuliyay ruux jirkiisa waxyaabaha qarxa kusoo xiray ayaa ka dhacay Koonfurta magaalada Gaalkacyo gaar ahaan goob la filayay in lagu soo dhaweeyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble .
Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay garoonka Cabdulaahi Ciise ee magaalada Gaalkacyo, xili loo diyaar garoobayay soo dhaweynta Ra’isul Wasaare Rooble oo magaalada kusoo wajahnaa.
Ruuxa waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa beegsaday goob ay joogeen saraakiil katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya, Ciidamo iyo masuuliyiin kale, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro badan.
Saraakiisha qaraxa ku dhintay ayaa waxaa ka mid ah ,Taliyihii Qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga Dalka Qooje Dagaari iyo Gaashaanle Mukhtar oo ahaay Taliyaha Ciidanka Danab Qaybta Galmudug iyo Dhamaan intii ku dhimatay Qaraxii galabta oo dhan.
Waxaan Muragada iyo Tiiraanyada lawadagayaa Qoyskii iyo eheladii ey ka baxeen waxaana Xaqiiq ah in eysan Cidna noo buuxineen Booskii ey baneeyee .
Marti lajecel yahay Allaha ka yeelo .aliyaha Ciidanka Danab qeybta Galmudug, kuxigeenkiisa iyo Guddoomiyihii hore Gobolka Mudug ee Puntlnad iyo masuuliyiin kale.
Qaraxa ayaa sidoo kale waxyeelo kasoo gaartay dad kale oo shacab ah oo ka agdhawaa goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana isbitaalada magaalada la geeyay dad ku dhaawacmay qaraxan xoogan.