Wasiirka caafimaadka dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in isbitaal kuyaal magaalada London ladhigay Boris Johnson oo ah R/wasaaraha Britain kaas oo la xanuunsanaya caabuqa Carona Virus.
Johnson oo 10 maalmood ka hor laga helay caabuqa Covid19 ayay xaaladdiisa caafimaad sii xumaatay, dhaqaatiirtiisa caafimaadka waxay sheegeen in xanuunku uu kusii kordhay islamarkaana heerkulka jirkiisa uu siyaaday taas oo lagama maarmaan ka dhigtay in isbitaal lageeyo.
Wasiirka arrimaha dibadda UK ayaa si KMG ah ula wareegaya hoggaaminta xukuumadda London taas oo ka dhigan in xaaladda caafimaad ee Boris Johnson aysan wanaagsaneyn.
Dhaqaatiirta caafimaadka waxay sheegayaan in dadka ugu badan ee isbuucan udhimanaya Carona Virus ay yihiin kuwii xanuunsaday laba isbuuc ka hor, dhinaca kale haweenayda boqoradda ka ah dalka Ingiriiska ayaa jeedisay khudbadeedi Afaraad.
Waxay sheegtay in ay marayaan marxalad adag oo lamid ah dagaalkii labaad ee adduunka markii uu socday bilaawgii Afartameeyadii, dadka British-ka ah ayay ugu baaqday in ay guryahooda ku nagaadaan tallaabadaas oo ah waxa kaliya ee lagula dagaallami karo Carona Virus.