Home Afsomali Raiisal wasaaraha uk Boris Johnson muxuu ka yiri dabka gubay suuqii waaheen...

Raiisal wasaaraha uk Boris Johnson muxuu ka yiri dabka gubay suuqii waaheen ee Magaalada hargeysa Somaliland

Raiisul Wasaaraha Uk “Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay suuqa furan magaalada Hargeysa oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada”

Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa ka hadlay musiibada Dabka ee saameysay suuqii Hargeysa.

Waxaa uu sheegay in Somaliland ay siin doonaan wixii taageero ah oo ay awoodaan.

“Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka ka kacay suuqa furan magaalada Hargeysa oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan”ayuu yiri Boris.

Dhanka kalebXoghayaha arrimaha dibadda Ingiriiska Liz Truss, ayaa qoraal ay barteeda Twitter-ka ku baahisay ku sheegtay in dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay suuqa magaalada Hargeysa ee Somaliland uu ahaa mid naxdin leh.

Liz Truss ayaa sheegtay in dowladda UK ay la shaqayn doonto Somaliland iyo saaxiibada caalamka si ay taageero ugu raadiyaan dadkii uu khasaaruhu gaaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.