Home Afsomali Raiisal Wasaare Kheyre oo Kulan kula yeeshay xafiiskiisa madaxda ugu sareysa Ciidamada...

Raiisal Wasaare Kheyre oo Kulan kula yeeshay xafiiskiisa madaxda ugu sareysa Ciidamada AMISOM

Ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxda ugu sareysa Ciidamada Midowag Afrika ee AMISOM, waxaa  ayna kawada hadleyn arimo muhiim ah.

Kulanka ka dhacay xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Madaxa ugu sareeya Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira Caetano,taliyaha Milatariga AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay madaxda iyo taliyaasaha ugu sareeya AMISOM sidii loo xoojin lahaa howlagalada amaanka lagu xaqiijinayo iyo in wada shaqeyn dhaw ay yeeshaan AMISOM iyo xukuumada cusub.

Ugu danebyntii, madaxda ugu sareysa AMISOM ayaa u balan qaaday ra’isul wasaare Xassan Kheyre in si dhaw ula shaqeyn doonana dowlada cusub ayna xoojin doonaan howlgalka lagu xaqiijinayo amaanka dalka iyaga oo kaa shanaya ciidanka Dowlada Soomaaliya.

https://youtu.be/Z7mcG4NESDM

https://youtu.be/m5Lma7tiNc8

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.