Home Afsomali Raiisal wasaare ku xigeenka oo Muqdisho ka daahfurey Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka

Raiisal wasaare ku xigeenka oo Muqdisho ka daahfurey Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka

RA’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaaka Soomaaliya,  Mahdi M. Gulaid oo maanta daah furay Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka ayaa sheegay in horumarka dhaqaalaha ee la gaaray uu ku yimid dadaal wadajir ah oo ay sameeyeen madaxda dalka oo au ugu horreeyaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in wajiga sedaxaad ee Barjaaminka SMP ee loogu diyaar garooobayo cafinta daymaha lagu leeyahay dalka in uu meel wanaagsan maraayo, maadaama dawladda, shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay si wadajir ah uga qayb qaateen qorshaha cafinta daynta lagu leeyahay Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa sheegay in dalkeennu uu leeyahay Khayraad aad u badan oo ku filan dadka Soomaaliyeed, hadii la isku tashado oo la iskaashadana Soomaalidu ay ka bexeyso faqriga iyo gaajada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.