Home Afsomali Ra’iisul Wasaaraha oo Lagu Soo Dhoweeyey Dalka Kenya (DAAWO SAWIRADA)

Ra’iisul Wasaaraha oo Lagu Soo Dhoweeyey Dalka Kenya (DAAWO SAWIRADA)

Muqdisho, 10 Agoosto 2021- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa si maqaam sare ah loogu soo dhoweeyey dalka Kenya, waxana magaalada Mombasa wadahadal kula yeelanayaa madaxweynaha Kenya Uhuru kenyatta.

Safarkan Ra’iisul Wasaare Rooble ku joogo dalka Kenya ayaa ujeedadiisu tahay adkaynta iyo xoojinta xiriirka diblamaasiyadeed iyo midka iskaashi ee ka dhexeeya labada dal ee deriska ah.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha oo qaadan doonta saddex maalmood ayaa waxaa ku weheliya wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq iyo saraakiil kale oo ka tirsan xukuumadda iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Arrimaha Dibadda mudane Maxamed Cabdirisaaq oo warbaahinta la hadlay inta aanay ka dhoofin magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey in wadahadalada uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la yeelanyo Madaxweynaha Kenya aanay qayb ka ahayn arrinta muranka badda ee u dhexeysa labada dal, waxana uu caddeeyey in kiiska oo yaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda uu marayo heer gabogabo ah, isla markaana laga dhursugayo go’aanka ugu danbeeya ee maxkamadda.

BB4ED814-B549-4E17-AD90-1439EAEB3841
79135E6A-F72B-4EC3-835A-B15AEB1C9061
70B8D7C0-2854-4DD1-8366-249FC728ECBF
68662570-0997-4A61-B7AE-767F9DBA433A
69809F55-F1A4-4F7F-A4D4-9822DBAE9ABC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.