Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer shaqo kusoo maray qaar kamid ah degmooyinka Caasimadda si uu ugu kuur galo amniga isla markaana u fuliyo amarkii Madaxweynaha JFS mudane Maxamed Abdullahi Farmaajo ee ahaa in la furo waddooyinka xiran ee magaalada muqdisho.

Dhanka kale WR Xasan Cali Kheyre ayaa amray in la burburiyo dhismaha Piazza Libera ee Ceelgaabta.Eng Yariisow oo fuliyey Amarka ayaa saxaafada u sheegay in goobtaas ay doonayaan in ay noqoto mid loogu adeego dad weynaha Soomaaliyeed.
Duqa Muqdisho ayaa kal hore hakiyey dhismaha goobtan ka dibna u direy baaris rasmi ah. Iyadoo la fulinayo awaamiirta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu Duqa Muqdisho maanta bixiyey amarkan burburinta.
Guddoomiye Eng. Yarisow ayaa yiri “Markaan xilka qabtay ayaan hakinay dhismahan, ka dib baaris dheer waxaa soo baxday inaan si sharciga waafaqsan loo bixin dhulkaas, uuna ahaa yahayna weli mid dan guud. Sidoo kale markii aan la tashiyo la sameeyey Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaan ku go’aaminey inaan dhulalka dawladda la bixin karin iyadoon loo marin nidaamka sharciga ah.”
Eng. Yarisow ayaa sidoo kale u diray digniin dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana sida tan oo kala loo burburin doono goob walba oo dhise sharci darro ah laga sameeyo.
Eng. Yarisow ayaa ugu danbeyntii sheegey inuu doonayo in Caasimadda lagu soo celiyo sidii ay ahaan jirtey berisamaadkii oo goobihii jardiinooyinka iyo xarumaha bila bilicda magaalada dib loo dhiso, si bushada uga wada faa’iideysato.