Home Afsomali Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shirarka Tubaha Amniga Iyo Siyaasadda Loo Dhanyahay...

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Guddoomiyay Shirarka Tubaha Amniga Iyo Siyaasadda Loo Dhanyahay (DAAWO SAWIRADA)

 

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shirararka toddobaadlaha ah ee Tubta Amniga iyo Caddaalada iyo Tubta siyaasada loo dhanyahay.

Maamulka gobalka Banaadir, Taliska Booliiska iyo wasaaradda amniga gudaha oo qayb ka ah tubta amniga iyo cadaaladda ayaa shirka tubta amniga iyo caddaaladda kusoo bandhigay siyaasadda dawladda ee la dagaalanka mukhaadaraadka oo aad looga dooday intii kulanku uu socday.

Siyaasaddaan oo loo qorsheeyay in lagu xakameeyo dhibaatada uu mukhaadaraadka ku hayo bulshada Soomaaliyeed ayaa tubta amniga iyo caddaaladda loogu soo bandhigay si horumarin loogu sameeyo kadibna loogu gudbiyo golaha wasiirrada, ugu dambaynna looga soo saaro sharci saldhig u noqda hannaanka xakamaynta mukhaadaraadka.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale guddoomiyay shirka siyaasadda loo dhanyahay oo maanta looga hadlay astaynta awoodaha heerarka dawladda, samaynta siyaasadda horumarinta iyo tababarrada dawladaha hoose, dib-u-eegista sharciga dawladaha hoose iyo hindise sharciyadeedka xiriirka heerarka dawladaha.

Shirarka Tubaha ee toddobaadlaha ah ayaa diiradda lagu saaraa Hal-beegyada iyo qaybaha shaqo ee hor-tebinta u leh dhammaan hay’adaha iyo wasaaraha qaybta ka tubaha.

—DHAMMAAD—-

45345776965 823f53c315 b
46258532081 13cf8f3da2 b
6Z0A7231
6Z0A7215
6Z0A7210
6Z0A7182

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.