Home Afsomali RA’IISUL WASAARE XAMSA OO QAABILAY ERGAYGA CUSUB EE XOGHAYAHA GUUD EE QM...

RA’IISUL WASAARE XAMSA OO QAABILAY ERGAYGA CUSUB EE XOGHAYAHA GUUD EE QM U SOO MAGACAABAY SOOMAALIYA Muqdisho,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya, Catriona Laing, waxayna, ka wada hadleen xoojinta wada-shaqeynta iyo taageerada ay hay’adaha QM siiyaan Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Qaramada Midoobay uga mahadceliyey taageerada dhinacyada badan ee ay u fidiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dadaalka ay geliyaan dhinaca arrimaha bini’aadanimada, isagoo muujiyey sida ay Xukuumadda Dan Qaran uga go’an tahay in ay si dhow ula shaqeyso QM, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha ahmiyadda u leh Xukuumadda si loo xaqiijiyo guulaha la hiigsanayo.
Ergayga cusub ee Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay u soo magacaabay Soomaaliya Catriona Laing, ayaa dhankeeda ka mahadnaqday soo dhaweynta ay kala kulantay dowladda Soomaaliya, waxayna tilmaantay in howlgalkeeda cusub uu sii adkayn doono wada-shaqeynta, taageerada iyo isgarab taagga ay QM siiso Soomaaliya ee dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.